GUDAHA/wararka

Golaha Shacabka BFS oo war kasoo saaray Rabshadihii ka dhacay Magaalada Boorama

Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in la joojiyo rabshadaha Gobolka Awdal ee sababay dhimashada iyo dhaawaca inkasta oo maanta xaaladdu degen tahay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow oo shirguddoomiyay kulankooda Maanta ayaa ugu horrayn furitaanka ka gudbiyay fariintaan uu la wadaagay reer Boorama.

Abshirow ayaa soo jeediyay in is faham iyo is dhagaysi lagu xaliyo xiisadda Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxa uu ku baaqay in la garab istaago dadka dhaawaca ah iyo kuwa ehelkooda ku dhintay rabshadahaas.

Dhanka kale, Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiyay soo jeedin uga timid Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xiriirta wax ka baddelka uu ku sameeyay Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed.

Kulanka oo ay xaadireen 145 Mudane, waxaa wax ka baddelka Madaxweynaha taageeray 140 Xildhibaan, hal Xildhibaan ayaa diiday halka ay ka aamuseen 4 sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BFS, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Hindise sharciyeedkaan ayaa u gudbaya Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo loo gudbiyo qodobada kasoo gudba Golaha Shacabka, marka uu dhankooda ka dhammaado waxa uu dib ugu laaban doonnaa Madaxweynaha JFS oo faafinta rasmiga ah lagu soosaari doonno.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

22 hours ago