GUDAHA/wararka

Taliyaha Booliiska Puntland oo sheegay in Hay’adaha ammaanka burburiyeen Xarumo Daacish leedahay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland Janaraal Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay in hay’ada ammaanka ay burburiyeen in ka badan boqol xarumood oo ay leedahay Kooxda Daacish sida uu hadalka u dhigay.

Janaraal Muumin ayaa tilmaamay in howlgalkaan ‘Hilaac’ uu isku xiray ciidamada kala duwan ee Dowlad-Goboleedka Puntland oo ka howlgalay dhul-baaxad weyn maadama ku dhowaad 6 bil la diyaarinayay howlgalkaas sida uu xusay.

Hay’adaha amniga ayuu shaaciyay in Magaalooyinka iyo deegaannada kale ay ka wadaan howlgallo joogto ah oo lagu beegsanayo Dadka katirsan iyo kuwa la shaqeeya Kooxda Daacish ee xooggeeda ku sugan dhul-buuralayda ah ee Gobolka Bari.

“Boqol & dheeraad xarumood oo Daacish lahayd ayaa lagu burburiyay howlgalka Hilaac, xaruntii ugu khatarta badnayd ee Kiimikada & Teknoolajiyadda ayaa la beegsaday, Dadka reer Puntland waxaa ka yaraatay cabsidii oo dhaqaalaha ayaa u badbaaday” Sidaasi waxaa yiri Taliyaha Booliiska Dowlad-Goboleedka Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xoogga saartay howlgalka Hilaac ee ka dhanka ah Daacish, waxaa loo gudbay wajigiisa saddexaad, labadii qayb ee hore waxa ay guullo ka sheegatay dagaalladii ay la gashay Kooxdaas oo ay uga qabsatay dhul baaxad weyn.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

27 mins ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

40 mins ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

1 hour ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

18 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

19 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

19 hours ago