Booliiska Kenya ayaa howlgal uu ka sameeyay Magaalada Nairobi ku xiray 26 ruux oo ay ku jiraan Dad Soomaali ah kaddib markii lagu helay kiisas kala duwan oo la xiriira samaynta dukumiintiyada Dowladda oo been abuur ah.
War kasoo baxay Hay’adda Baarista Booliiska Kenya DCI ayaa lagu sheegay in Dadkaan oo isugu jiray Rag & Dumar waxaana ku jira xubno katirsan Dowladda Hoose ee Nairobi oo fududeeyo samaynta Shahoodooyin, Aqoonsiyo, Baasabooro iyo adeegyo kale oo Dowladdaas u gaar ah.
Dadka la xiray waxaa kamid ah mas’uuliyiin katirsan hoggaanka Xaafadda Soomaalida u badan tahay Nairobi ee Islii, waxaana kaddib loo gudbay guryahooda iyo xarumo kala duwan oo laga soo qaaday qalabka been abuurkaas loo adeegsanayay.
Waxaa kiiskooda loo diyaariyay Maxkamadda awoodda u leh si ay u qaaddo, waxaana lagu hayaa mid kamid ah Xarumaha Amnigooda sida wayn loo adkeeyo ee Booliiska Nairobi sida ay sheegeen ilo ku dhow Hay’adda DCI.
Booliiska Kenya ayaa si xad dhaaf ah u hubinaya adeegyada Dowladda Hoose ay bixiso sida aqoonsiga qaranka, Shatiyada Ganacsiga iyo adeegyada kale si loo hubiyo in qalabkaan been abuurka lagu sameeyay iyo in Dowladdu ay siisay qofka haysta.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…