Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ka falceliyay eedaha & aflagaalada aan dhammaadka lahayn ee Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu u jeediyay Soomaalida maalmihii lasoo dhaafay.
Aadan Barre Ducaale waxa uu intaas ku daray in uu Trump yahay nin aan ka fiirsan hadalladiisa meelaha qaarna uu ku raacsan yahay halka qaar kalena uu ku diidan yahay Madaxweynaha Maraykanka sida uu hadalka u dhigay.
Wasiir Aadan Barre ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay qani tahay oo haysato macdan dabiici ah balse duruufaha dhinaca amniga ay kahor taagan yihiin, Madaxda Soomaalida ayuu u soo jeediyay in ay dib isugu laabtaan si dalka loo geeyo meel sare.
“Trump & Soomaali waxa ka dhaxeeya waad maqlayseen, wax badan waan ku raacsanahay, sidoo kalena wax badan waan ku diidanahay, waa nin iska dhib badan oo luuqaddiisa ka fiirsan, kuwa Wasiirradiisa ah ayaa u dhowaan la’ Trump, Madaxda I dhagaysanaysa waa in ay dib isugu laabtaan” Sidaasi waxaa yiri Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Kenya.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…