GUDAHA/wararka

Weerar lagu qaaday xarun ay leeyihiin ciidanka Paramilitary ee Pakistan oo sababay dhimashada ugu yaraan 3 qof

Weerar ka dhacay Magaalada Peshawar ee Waqooyi-galbeed ee Pakistan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, kaddib markii koox hubeysan ay weerartay saldhig ciidamada Paramilitary ay ku leeyihiin Magaaladaas.

Ciidanka la weeraray ayaa la sheegay in uu xerada u galay qof isku soo xiray walxaha qarxa, sida uu wariyay Wargayska lagu magacaabo Federal Constabulary (FC) ayaa shaaciyay in khatartu ay badan lahayd haddii aan laga hortagi lahayd ismiidaamiyaha.

Wargayska ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka ee xerada joogay ay dareemeen dhaqdhaqaaqa qofka is qarxiyay oo ay ku xakameeyeen ilinka laga soo galo xerada, askarta dhimatayna ay yihiin kuwii kahortagay halistiisa.

Maamulka Peshawar ee Pakistan ayaa sheegay in xaaladdu ay degen tahay maadaama daqiiqadii ugu horreeyay ee qaraxa kacsanayd, waxaana goobta uu qaraxaas ka dhacay tagay saraakiil ciidan oo isugu jira baarayaal iyo taliska Paramilitary.

Warar kale ayaa sheegaya in qaraxa kaddib la maqlayay rasaas toos ah oo la sheegay in ay dhexmartay ciidamada ammaanka ee xarunta ku sugnaa iyo kooxda weerarkaas fulisay inkasta oo aan xaqiiqo dhammaystiran laga soo gudbin arrintaan.

La soco wixii kasoo kordha

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago