Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ayaa Magaalada Minneapolis ku dhigay dibadbax ka dhan ah go’aanka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu ku musaafurinayo Soomaali si sharci darro ah ku joogta Gobolkaas.
Diadbaxayaasha ayaa dhaliilay go’aankaan waxaana ay dalbadeen in Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dib uga laabto maadaama arrintaan ay dhibaato ku tahay dad badna oo ku nool Minnesota.
Waxa ay wateen boorar ay ku xardhan yihiin ereyo ka dhan ah go’aanka culus ee Madaxweynaha Maraykanka, waxay dalbadeen in Hay’adaha kala ee dastuuriga ah ay soo farageliyaan arrintaan kahor inta aysan dhaqangelin.
Sidoo kale dad ajaanib ah balse diidan in la tarxiilo Soomaalida ayaa ka qaybgalay, waxa ay dareenkooda ku cabireen sida ay u diidan yihiin dhaqangalka go’aankaan oo dhibaato ku ah dad hadda ku nool Maraykanka.
Donald Trump ayaa dhowaan si cad u sheegay in uu meesha ka saaray go’aankii kumeel-gaarka ahaa ee kahor istaagayay tarxiilka Soomaalida sharci darrada ku joogta Gobolka Minnesota isaga oo aflagaado iyo ereyo culus isugu daray, waxaana uu sheegay in xatooyadu badatay.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…