GUDAHA/wararka

DG Puntland oo sheegtay in ay xirtay Rag & Dumar katirsan Daacish

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay xirtay Dad isugu jira Rag iyo Dumar oo katirsan Daacish, Taliyaha qaybta Booliiska Gobolka Bari, Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa Warbaahinta la wadaagay in howlgallkaan uu ahaa mid qorsheysan.

Waxa uu sheegay in markii dagaalka tooska ah ay la galeen Daacish guullo muhiim ah ka gaareen in ay haatan billaabeen howlgallo kale ay ka sameynayaan deegaannada ay ku sugan yihiin xubnaha katirsan Kooxdaas sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Cabdulqaadir Dirir ayaa sheegay in howlgalladooda ay isugu jiraan kuwa toos ah, duqaymo cirka ah, kahortagga gurmad u gudbo Daacish iyo qab-qabashada Dadka la shaqeeya ee ka baxsanaya deegaannada howlgalladu xooggooda ka socdaan.

Booliiska Puntland ayaa digniin u diray Dadka doonaya in ay la shaqeeyaan Daacish, waxaana hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedkaas la faray in ay gacan adag kusoo qabtaan isla markaana maxkamad lasoo taago cid weliba oo garabsiisa Daacish sida hadalka loo dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

22 hours ago