26-July-2018; wasiirka arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad; ayaa soosaaray xaashida summaddeedu tahay MFA/FRS/OM/7118/2018, taas oo ujeedkeedu ahaa magacaabista danjire Cali Maxamed Cali; oo loo magacaabay la taliyaha wasaaradda iyo danjire Siciid Xaaji Maxamuud oo loo magacaabay xog-hayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isaga oo si kmg ah u haynaya xilka xog-hayaha joogtada, sida ku xusan warqadda wasiir Cawad waxa ay magacaabistaasi dhaqangeleysay isla taariikhda ay warqadda magacaabistu soo baxday oo ahayd 26-July-2018; oo ku beegnayd khamiistii hore.
haddaba Wasiirku xilka ma ka qaadi karaa xilka xog-hayaha joogtada, mise magacaabi karaa agaasimaha guud?
May-2018; Wasiirka koowaad ee xukuumadda FS, Xasan Cali Kheyre; ayaa soosaaray amar toos ah oo ku socda xubnaha golaha wasiirada, kaas oo lagu mamnuucay xil ka qaadista xog-hayeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha guud iyada oo aan la helin ogolaanshaha Wasiirka koowaad.
halkan ka aqri xaashida lagu mamnuucay xil ka qaadista Agaasimeyaasha iyo xog-hayeyaasha joogtada ah
Inkasta oo warqadda magacaabista xilalka ee uu soosaaray wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya la ogeysiiyey madaxweynaha iyo raisalwasaaraha haddana haddii ay magacaabistaasi hirgashay isla maalinkii la soosaaray waxa ay u muuqataa in ay jebisay amarka ku soo baxay xaashida summaddeedu tahay XRW/0342/05/2018, oo soosaaray xafiiska raisalwasaaruhuu bishii May ee sanadkan taas oo si cad looga reebay xubnaha golaha wasiirada in ay xil-ka qaadis ku sameeyaan xog-haeyaasha joogtada ah iyo agaasimeyaasha guud,
Mustaqbal Radio
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…