Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ahna sii hayaha Wasaaradda CabdiXakiin Shiikh Xasan Ashkir ayaa ka hadlay Arrimaha Xajka ee Sanadkaan.
Waxa uu sheegay in kulamo dheer ay la qaateen Wasaaradda Xajka Sacuudiga, iyagoona isku afgartay in Xujeyda Soomaalida ay qaadaan 5-shirkadood.
Wasiir Cabdixakiin ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in sanadkaan Xujaajta Soomaalida aysan tageen Xaramka.
Labadii todobaad ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo kaashaneysa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay waday kulamo ku saabsan in Sacuudiga uu ogolaado Shirkadaha shanta ah.
Waxa uu tilmaamay in Wasaaradda Arrimaha Xajka ee Sacuudiga ay ku wareejiyeen Warqadaha shirkadaha shanta ah, ayna ka aqbaleen.
Habka loo maamulayo Xujeyda waxa uu tibaaxay in 100% ay leeyihiin Shirkadaha dadka qaadaya, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyanna kor joogto ka ahaan doonto sida uu hadalka u dhigay.
Wasiiru Dowladaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda ma sheegin waqtiga sida rasmiga ah ay Shirkadaha u bilaabayaan Daabulidda Xujaajta.
Halkaan ka dhageyso Codka Ku simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya.
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…