WARARKA-GUDAHA/DIBADDA

Wasiirka Goodax oo maalintii 2aad kormeeray goobaha uu ka socdo imtixaanka shaadiga ah ee dugsiga sare.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maalintii labaad kormeer ku tagay xarumaha uu ka socdo imtixaanka shaadiga ah dugsiga sare.

Wasiir Goodax ayaa waxaa kormeerka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya Axmaed Xasan yuusuf iyo Taliye ku xigeynka Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed S/ Gaas Cabdi xasan Maxamed Xijaar .iyo xubno kale oo ka socday wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada xukumadda DFS. Cabdullaahi Goodax Barre iyo Taliye ku xigeynka Ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer ku bilaabay iskuulka 15 may, jaamacadda city iyo xarumo kale oo ku yaala Gobalka Banaadir halkaas oo imtixaan ay u fadhiyeen ardayda dugsiga sare.

Wasiirka iyo Taliye ku xigeynka Ciidamada Xooga Soomaaliyed S/ Gaas Cabdi xasan Maxamed ayaa qol qol u galay fasallada imtixaanku uu ka socday waxa ayna la hadleen ardayda oo ay wax ka weydiyeen habka uu imtixaanku u socdo .

Taliye ku xigeynka Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan maxamed ayaa waxa uu sheegay in kormeerka ay ku tageen Goobaha uu imtixaanku ka Socdo ay ku abuurtay xasuus keentay waa yihiisi waxbarashada islamarkaan ay maanta ardayda Soomaaliyeed ay marayaan meel fiicaan oo qeyb ka ah horumarka iyo dowladnimada dalka kajirto.

Taliye ku xigeynka Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ardayda kula dar daarmay in ay meel sare ka gaaraan waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdulaahi Goodax bare ayaa waxa uu ardayda kala hadlay qeymaha ay leedahay waxbarashada, arday waxbartay iyo arday aan wax baran sida ay u kala wanaagsan yihiin.

“Maanta oo ah maalintii labaad ee imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare uu ka socdo xarumihii loogu talagay waxaan kormeer ku tagnay aniga iyo Taliye k xigeynka Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Cabdi xasan maxamed qeybo ka mid ah xarumaha imtixaanka uu ka socdo, Waxaan goobahaasi kula kulannay arday niyad wanaagsan oo jecel in ay tacliinta heer sare ka gaaraan, isla markaana ku kalsoon habka uu imtixaanka u socdo”.ayuu yiri wasiir Goodax.

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

16 hours ago