Duqa Cusub ee Baladweyne oo Xilka kala wareegtay duqii hore ee Magaalada
Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen Duqa Cusub ee Degmada Baladweyne ee shalay la Magacaabay iyo duqii hore.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle, Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno iyo Wasiiro ayaa goobjoog ka ahaa Booliiska.
Khadar Xasan Afrax duqii hore ee Magaalada Beledweyne ayaa Xafladda ka dhex sheegay in uu jiro isku dhex-yaac dhanka maamulka ah.
Safiya Xasan Sheekh Cali Jimcaale oo ah Duqa cusub ee Magaalada Baladweyne, isla markaana maanta xilka si rasmi ah ula wareegtay ayaa shacabka ka dalbatay in ay garab istaagaan.
Waxa ay qabsatay 100 Maalmood oo ay la imaaneyso Waxqabad, hadii aysan dhicin ayay sheegtay in Xilka baneyn doonto.
Safiya ayaa intaa ku dartay in ay aqoon u leedahay dhanka maamulka isla markaana ay lasoo shaqeysay Duqa Muqdisho, sidoo kalena noqotay Gudoomiyaha Degmada Shibis.
Waa Haweeneydii ugu horeysay ee Duq Magaalo ka noqota Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, waxaana Magaalada dhowr jeer isbadal aan xad lahayn lagu sameeyay Mas’uuliyiintii soo martay.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa joogteeyay isbadal dhowrkii bilood ah lagu sameeyo Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Magaalada Baladweyne, Odoyaasha dhaqanka ayaa caqabadda Magaalada Hiiraan heysata ku tilmaamay isbadalka daba-joogga ah.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…