Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaalia ah laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sheegtay in Dowladda Mareykanka laga doonayo in ay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira Hindiya.
Qoraal ay ku daabacday barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay in Sharciga uu wado Ra’iisul Wasaaraha Hindiya uu yahay mid sii kordhinaya Rabshadaha ay wadaan dadka Hindiya eek u saleysan Islaam naceybka, waxaase xusid mudan in dalka Hindiya uu yahay dalka labaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin caalamka.
“Sharciga Ra’iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah.” Ayey barteeda Twitter-ka ku soo qortay Ilhaan Cumar
Xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa 7 musharax oo kaliya waxay ku lahaayeen bulshada Muslimiinta ah, waana markii ugu horreysay ee taariikhda dowladda Hindiya uusan jirin hal qof ka tirsan xisbiga talada haya oo baarlamaan ah oo matala Muslimiinta.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…