Wasiirka Wasaarada arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Puntland oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe ayaa sheegey in uu iska casilay xilka Wasiirnimo ee uu ka haayey Puntland.
Cabdullahi Cali Xirsi Timo-Cadde ayaa sheegay in uu warqadda is casilaadda uu u gudbiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u magacaabey xilka wasiirnimo sanadii 2017.
Wasiirka ayaa sidoo kale u mahadceliyey Madaxweynaha,Kuxigeenkiis,Golaha wasiirada iyo dhamaanka shacabka Puntland.
Sidoo kale waxaa la sheegey in Wasiir Timo-Cadde saacadaha nagu soo aadan uu ku dhawaaqi doono in uu yahey Musharrax u taagan Doorasha Madaxweyne ee Maamulka Puntland oo dhawaan la filayo in ay ka qabsoonto deegaanada Puntlan.
Waxaa horey Garowe iyo magaalooyinka kale ee maamulka Puntland ugu sugnaa tiro musharixiina oo u tartamayay Kursiga Madaxweynaha maamulka Puntland ee shanta sano ee soo socota.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…