Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdiga la socda oo ku wajahan Gelisnoor.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in maanta laga sugayo degmada Gelinsoor wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir Sabriye iyo xubno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa shalay ka dagay magaalada cadaado.

Wasiir Sabriye, ayaa maanta u tagaya Gelinsoor xal u helista dagaaladii u danbeeyay ee ka dhacay deegaanka Kaxandhaale, kaasoo u dhexeeyay laba maleehsiyo Beeleed.

Dagaalada, waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimahso iyo dhaawac, iyadoo dadka lagu dul dagaalamayna ay rasaas guryohooda uu tagtay ay waxyeelo ka soo gaartay.

Wasiir Sabriye, ayaa la filayaa inuu meel fagaare ah isugu keeno odayaasha Qabiilada dirirtu u dhexeyso, si xal looga gaaro colaada, Iyadoo dad badan oo isaga barakacay Kaxandhaale ay ka gudbeen Xadka, kuwaasoo xaalado Nolol xumo ah ay soo wajahday.

Si kastaba, Maamulka degmada Gelinsoor ee Maamul Goboleedka Galmudug ayaa War Saxaafadeed uu soo saaray Shalay ku sheegay  in dagaalka ka dhacay deegaanka Kaxandhaale ay ka qeybgaleen ciidamo ka soo gudbay xadka dalka Itoobiya.

War saxaafadeedka ayaa  lagu sheegay in dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Deeqla oo ka tirsan Kaxandhaale lagu soo qabtay labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaasoo ka barbar  dagaalamaya maleeshiyo beeleed.

Mustaqbal media

Recent Posts

MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…

37 mins ago

Kooxo hubaysan oo ku dagaalamay mid kamid ah Xarumaha Shidaalka ee Liibiya

Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…

51 mins ago

RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…

1 hour ago

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

15 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

17 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

20 hours ago