Kooxda reer taliyaani ee Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ganaax adag garka loo suray kadib caaydii ay taageerayaasha Inter u geysteen daafaca Napoli Kalidou Koulibaly.
Tababaraha Kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa doonayay in uu joojiyo kulanka sababo la xiriira hadalo Cunsurinimo ah oo lagula kacay daafaca kooxda Napoli ee Koulibaly laakiin Inter ayaa haatan ganaax la dul dhigay.
Madaxa xiriirka kubada cagta Italy ee Gerardo Mastrandrea ayaa go,aamiyay in ay Inter Milan bilaa taageerayaal ku ciyaarto 2 kulan halka kulanka 3-aad laga ganaaxi doono taageerayaashooda ugu badan sida laga soo xigtay La Gazzetta dello Sport.
Koulibaly ayaa dhanka kale dusha laga saaray ganaax 2 kulan ah kadib markii uu daqiiqadii 80-aad qaatay laba kaar oo digniin ah iyo kaar cas kadib si ku digasho ah ugu sacabiyay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka.
Si la mid ah xiddiga weerarka uga ciyaara Napoli ee Lorenzo Insigne ayaa dusha laga saari doonaa ganaax 2 kulan ah kadib markii uu si xun ula hadlay garsooraha.
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…