GUDAHA/wararka

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS “Shaqo adag ayaa loo soo maray sugidda Amniga Dalka”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh (Cadaala) oo la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Inigiriiska ayaa u sharraxay sugidda Amniga Dalka iyo dedaallada lagu bixiyay.

Waxa uu sheegay in Nabadda keliya Muqdisho aanay ka jirin, waxaana uu tilmaamay in Soomaaliya guud ahaan isku xiran tahay isaga oo tusaale usoo qaatay Magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo iyo kuwo kale oo amni ah.

“Muqdisho waxa ay soo martay heer Khawaariijta dhaqaale ka qaado Ganacsatada xitaa Badeecadda oo Shiinaha taalla, si loosoo afjaro arrintaan shaqo badan ayaa laga qabtay, Amniga Muqdisho oo keliya ma ahan, Goormee idinku dambaysay in aad maqashaqaan qarax ka dhaca Baydhabo, Kismaayo, Gaalkacyo & meelo kale, guud ahaan Amniga Dalka wuu isku xiran yahay oo waa laga wada shaqeeyay” ayuu yiri, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS, Cabdiraxmaan Cadaala.

Waxa uu intaas ku daray in hadda ay dadku ka sheekeesanayaan Doorashada Dalka oo adkayd in muddo kahor lasoo hadal qaado sababo la xiriira duruufaha dhinaca Amniga, Cadaala ayaa sheegay in isku xiranka Dowladihii Dalka isku xigay in ay marba heer soo gaarsiiyeen marxaladda haatan uu dalka joogo sida uu hadalka u dhigay.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

2 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

2 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

3 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

4 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

4 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

21 hours ago