Ka dib wada hadallo saacadihii la soo dhaafay u socday Madaxda Dowladda Federaalka iyo guddiyada qaban qaabada gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la isku afgartay hannaanka iyo hubka ay la imaan karaan Madaxda Jubbaland iyo Puntland.
Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in dib loo soo qaado Askarta horudhaca ah ee la celiyay shalay, iyadoo markaan la raacayo hannaanka la dajiyay.
Sida ilo xog ogaal ah ay tilmaamayaan Deni iyo Axmed Madoobe ayaa loo ogolaaday tiro cayiman oo ilaalo ah, sida 40 askari oo sita hubka fudud iyo 10 dharcad ah.
Sidoo kale, dhinacyada ayaa isku afgartay in hoos loo dhigo ereyada xanafta leh ee la isku marinayo warbaahinta, kuwaasi oo saameyn kara qabsoomida shirka.
Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo kala baxay Dowladda Federaalka iyo Maamulada xulufada ah ee Puntland iyo Jubbland, kaasi oo la xiriira xilliga imaanshiyahooda.
Dhanka kale, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay ayaa labada dhinac ugu baaqay in la iskugu yimaado miiska wada hadalka si xal looga gaaro waxa la isku hayo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa muujiyay inuu diyaar u yahay heshiis rasmi ah oo laga gaaro tabashada ay qabaan golaha mustaqbalka oo ay qeyb ka yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Shirka ayaa la filayaa inuu furmo maalmaha soo socdo, iyadoo diirada lagu saari doono arrimaha la xiriira khilaafaadka jira, wax ka badalka Dastuurka iyo jaangoynta doorashooyin heshiis lagu yahay.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…