Wasiir Goodax oo soo saaray Nidaamka Hirgelinta waxbarashada Dalka

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaam dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana kamid ah , si looga fogaado jahawareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasadda  iyo manhajka qaranka  ee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajka  qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasalada  hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalka  ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee  fasalka sideedaad ee loogu gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada loogu gudbayo.

T,Imtixaanka  fasaladka afraad  waxaa qaadaya  wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J,shahaadda dugsiyada sare  waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka  iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad  wuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha  December ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan  Sabtiga ugu horeeya  ee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maaj.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.

Afka carabiga waxaa maado ahaan  laga bilaabayaa  fasalka koowaad dugsiga hoose.

Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.

Dugsiga sare waxaa wax lagu  baranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.

Dugsiga dhexe wuxuu qaadan  8 maado.

Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.

Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood

Dugsiga dhexe  wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.

Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa  10 bilood.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

3 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

7 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

8 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

9 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

9 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

9 hours ago