Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Canshuureysa Warqadaha Dalaaq-muujinta.

Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland ayaa Maanta oo Talaado ah shaacisay in ay Carshuur kusoo rogtay Waqadda Dalaaq-muujinta ee Caddeyn ahaanta loo siiyo Haweenka la furo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay ka qaadeyso lacag dhan $20 (Labaatan Dollar) oo canshuur ah kuna waajibeyso Ninka Xaaskiisa fura ee raaciya warqadda dalaaq-muujinta ah.

Ma sheegin Wasaaradda Halka lagu shubayo Lacagtaan ama la dhigayo, Balse go’aankaan ayay ku sheegtay in uu yahay mid ay dhaqan gelinayaan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in ay waddo qorshe ay ku qaadeyso Lacagaha Canshuurta dhinacyada ay ku waajibtay, si dhaqaalaha Puntland uu sare u kaco.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dakhliga Soo gala Maamulkiisa iyo lacagaha ay bixiyaan aan sinneen.

Gaas ayaa intaa ku daray in Canshuurta Dekedaha iyo Garoomada Diyaaradaha aan ahayn kuwa joogtada ah ee lagu tashto, balse Canshuurta salfadhiso leh ay tahay Tan Dadka laga qaado.

Shaqo abuurka ayuu tibaaxay in ay ka qaybqaadato isaga oo tusaale usoo qaatay Maxkamadaha iyo Goobo kale oo maareyn kara Shaqo la’aanta.

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

51 mins ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

2 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

2 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

3 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

3 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

20 hours ago