Wafdi ka socda Shiinaha oo lakulmay Madaxweynaha Puntland Deni.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni aya maanta magaalada Garowe kula kulmay Madaxa shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr.Qian Xian iyo wafdi la socday oo maanta gaaray Garowe.

Kulanka Madaxweynaha Punland la qaaday wafdiga ka socday Shiinaha oo ka dhacey Xarunta Madaxtooyada Puntland Garowe ayaa waxaa ku wehlinaayey Xubno ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

Deni iyo Wafdiga China

Wafdiga ka socday Midowga Shirkada Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahey Dalka Ethopia ayaa Madaxweynaha Puntland kala hadlay Maalgashi Ganacsi ee ay Ka sameeyaan deegaanada Maamulka Puntland iyo in ay wada shaqeyn dhexmarto shirkadaha Ganacsi ee Puntland.

Mr. Qian Xian oo ah Madaxa Shirkadaha Shiinaha ee Africa ayaa amaanay Hormarada Ganacsi ee ka jira deegaanada Puntland iyo hormarada ay ka sameeyeen Siyaasada iyo dib u heshiisiinta isaga oo tusaale u soo qaatay Doorashadii Madaxweyne ee ka dhacday Garowe.

Markii kulanku soo dhamaaday.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Midowga Shirkadaha Shiinaha u sheegey in Maamulka Puntland mar walba diyaar u yahey wada shaqeyn uu la yeesho shirkada Ganacsi ee maalgashi ka samaynaya deegaanada Puntland.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

16 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago