Wafdi isugu jira Ilaalada Madaxtooyada Dowlad-Goboleedka Puntland, Wasiirro iyo agaasinka Madaxtooyada Dowla-Goboleedkaas ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Garoowe si ay u diyaariyaan soo dhaweynta Siciid Cabdullaahi Deni.
Muuqaal laga soo duubay ciidankaas oo aad u hubaysan waxaa ka dhex muuqday mas’uuliyiin katirsan xubnaha baratakoolka Siciid Cabdullaahi Deni oo qayb ka ah wafdigaas hordhaca ah ee Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland.
Deni ayaa muddo ka maqnaa shirarka Dowladda Federaalka iyo xubnaha Mucaaradka, waxa uu dhowaan aqbalay gogosha ay dhigtay Xukuumadda si ay uwada hadlaan labadaan dhinac maadaama Golaha Mustaqbalka Soomaaliya uu Kismaayo ka dalbaday gogoshaas.
Maanta oo ah 1da Febaraayo 2026 waxaa lagu ballansan yahay in uu furmo shirka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka, caasimadda ayaa saacadaha soo socda waxaa kusoo wajahan madaxda Dowlad-Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…