Taliyaha Ciidanka Booliiska qaybta Gobolka Banaadir, Gaashaanle sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) ayaa sheegay in la xirayo qof weliba oo ka shaqeynaya kicinta dadka iyo falal dhibaato ku noqon kara Xasiloonida sida uu hadalka u dhigay.
Macallin Mahdi ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo qabanayaan qofkii caadaysta iska hor keenidda Bulshada iyo kicinta Dadka xitaa haddii uu dalka dibaddiisa jiro lana horgaynayo Maxkamad sida uu yiri
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay xiray dhallinyaro Baraha Bulshada caan ka ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka shaqeynayeen kicinta Dadka iyo qalqalgelinta Amniga sida lagu yiri warka Booliiska kasoo baxay.
Dhallinyarada la xiray ayaa kala ah Mahad Maxamud Xamarow oo loo garan ogyahay Garyaqaan & Yuusuf Xasan Cali oo sidoo kale lagu magacaabo Yuu Boss kuwaas oo lagu xiray Saldhigga Booliiska Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Mustaqbal
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…