GUDAHA/wararka

Waa kuma Taliyaha cusub ee Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan?

Dalka Iiraan oo hoggaamiyahooda, Taliyihii ugu sarreeyay ee ciidanka Kacaanka, Lataliye iyo Wasiirkii Gaashanadhigga Dalkaas laga dilay isla markaana ku jira xaalad dagaal ayaa billaabay buuxinta boosaska ay ka dhinteen mas’uuliyiintaas.

Meelaha si dhow indhaha loogu hayo waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka ilaalada Kacaanka oo loo magacaabay Sarreeye Guuto Axmed Vihidi oo la sheego in uu yahay Khabiir ciidan iyo nin aad u garanayo xeeladaha dagaalka.

Axmed waxa uu horay usoo noqday Wasiirka Gaashaandhigga sidoo kale waxaa markale loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Iiraan, waxaa intaas dheer in uu kamid noqday Taliyeyaal katirsan taliskaas oo laf dhabar u ah difaaca Xukuumadd Tehran.

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan waxa uu ku biiray sanadkii 1979kii, December sanadkii 2025 ayaa loo magacaabay in uu noqdo ku xigeenka Taliyaha Ciidankaas, waa sarkaal aqoon u leh ciidanka Cirka waana meesha ugu weyn ee dhibaatada uga socoto dalkiisa.

Vahidi waxaa raadinaya Booliiska Adduunka ee INTERPOL maadaama lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay qaraxii lagu beegsaday dad yuhuud ah ee dhacay 1994 kuwaas oo la socday Diyaaradda Buenos Aries ee Argentina halkaas oo lagu dilay Dad badan.

Maraykanka & Dalal badan oo reer Yurub ah ayaa horay ugu soo rogay cunaqabatayn dhaqaale mar haddii ay suuragali waysay in gacanta lagu soo dhigo Taliyahaan oo katirsanaa guutada Qudus ee Ciidanka Cirka Ilaalada Kacaanka Iiraan.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

7 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago