Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay in dukumenti lagu faafiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay Iiran uu yahay mid been abuur ah, isla markaana uusan ka soo bixin Wasaaradda.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda kaas oo lagu faafiyay barta X ee horay loogu yeeri jiray Twitter ayaa lagu sheegay in warqaddaasi aysan ahayn mid rasmi ah, lagana been abuurtay Wasaaradda, ayna tahay mid lagu marin habaabinayo dadweynaha.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay xaqiijinaysaa in dukumentiga la faafinayo ee cinwaankiisu yahay “Somalia Reaffirms Support For The Islamic Republic Of Iran” uu yahay mid been abuur ah, isla markaana uusan ka soo bixin Wasaaradda,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale tilmaantay in iyadoo la tixgelinayo xaaladaha xasaasiga ah ee ka taagan Bariga Dhexe 28-ka Febraayo 2026, ay muhiim tahay in dadweynaha iyo warbaahintu ku tiirsanaadaan oo keliya bayaannada iyo macluumaadka lagu daabaco baraha rasmiga ah ee la xaqiijiyey.
Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay ku boorrisay bulshada in ay ka digtoonaadaan wararka aan la hubin, si looga hortago faafinta xog khaldan oo saameyn ku yeelan karta sumcadda iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee dalka.
Mustaqbal
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…