GUDAHA/wararka

Jubbaland iyo Puntland oo u Yeeray Xildhibaannada Federaalka ee Labada Aqal

Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, iyo Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si rasmi ah ugu yeeray xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doortay deegaannadaas, si ay uga qaybgalaan kulamo wadatashi ah oo deg-deg ah.

Sida ku cad qoraal rasmi ah oo maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Maarso 2026 kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe ayaa xildhibaannada matala maamulkaas ugu yeeray magaalada Kismaayo.

Kulankan oo loo qabtay inuu dhaco maalinta berri ah oo ay taariikhdu tahay 2-da Maarso 2026, ayaa ujeeddadiisu tahay in laga wada tashado xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka badalka Dastuurka.

Sidoo kale, Puntland ayaa dhankeeda u yeertay xildhibaannada laga soo doorto deegaannadeeda, taas oo muujinaysa isbahaysi siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Kismaayo iyo Garowe.

Kulamadan ayaa loo arkaa inay yihiin kuwo looga hadli doono ajende la mid ah midka Jubbaland oo la xirira xaaladda dalka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland aya dib ugu laabtay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo, ka dib markii ay fashilmeen wada hadallada Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Mustaqbal

MM News

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

8 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

11 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

12 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

13 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

13 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

13 hours ago