GUDAHA/wararka

Soomaaliya oo si xeeladaysan uga hadashay weerarka Xulufada Maraykanka ee Iiraan & Jawaabta Tehran ay bixisay

Soomaaliya oo xubin ka ah 15ka Dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codkeeda ka dhiibatay shirkii degdega ahaa ee Golahaas uu ka yeeshay xaaladda kasoo cusboonaatay Bariga Dhexe gaar ahaan weerarkii lagu qaaday Iiraan iyo Jawaabta ay bixisay.

Shirkaan waxaa lagu dhagaystay madax kala duwan oo ka kala socday dalalka qaarkood ku lugta leh colaadda iyo kuwo kale oo bannaanka ka jooga, waxa ay ka dhiibteen dooddooda la xiriirta sida ay u arkaan dagaalkaan & qaabka loo joojin karo.

Maxamed Raabi Yuusuf oo ah ku xigeenka Ergayga Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa khudbad uu ka jeediyay waxa uu si xeeladaysan uga hadlay arrinta taagan, waxa uu cambaareeyay Maraykanka & Israa’iil oo weerarka billaabay & Iiraan oo dalalka beegsatay.

Raabi ayaa sheegay in ay Soomaaliya cambaarayneyso weerarka Maraykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, halka sidoo kale uu dhaleeceeyay jawaabta Tehran ay ku beegsatay Dalalka Khaliijka kaddib markii la weeraray.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

2 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

2 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

2 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

14 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

16 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

17 hours ago