GUDAHA/wararka

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan oo ku hanjabay in ay ka aargudan doonnaan Maraykanka & Israa’iil

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dalkiisa uu ka aarsan doonno Maraykanka iyo Israa’iil oo si wadajir ah u beegsaday Hoggaamiyihii dalkaas ee Ayatollah Ali Khamenei.

Ghalibaf ayaa tilmaamay in Khamenei uu ahaa hoggaamiye geesi ah oo aan ka baqin difaaca Dalkiisa, waxa uu ku sheegay in uu shahiiday isaga oo daacad ah isla markaana ku socda dhabbaha toosan ee la dagaalanka Cadawga.

Waxa uu carrabka ku dhuftay in ay Iiraan ka gudubtay ku tiirsanaanta shaqsiyaadka sidaas awgeed aanay saamayn toos ah ku yeelan doonnin dagaallada iyo dejinta qorshaha beegsigii lagu bartilmaameedsaday Hoggaamiyihii Dalkaas.

“Iiraan waxa ay horay uga gudubtay qorshe dagaal oo hal qof ku xiran sidaas awgeed waan ka aarsan doonnaa cadawga nasoo weeraray, Maraykanka & Yuhuudda dhulka ayaa la jari doonnaa” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan, Mohammad Bagher Ghalibaf.

Iiraan ayaa isku dhinac wada tacsida hoggaamiyahoodii iyo beegsiga Danaha Maraykanka ee Bariga Dhexe si ay khasaara xooggan u gaarsiiso Saldhigyada Xukuumadda Washington ay ku leedahay Waddamada Khaliijka Carabta.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

2 hours ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

4 hours ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

6 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

6 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

6 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

18 hours ago