Macalinka reer Spain Unai Emery ayaa ka codsaday taageerayaasha kooxda Arsenal inay daganaan muujiyaan, kadib guuldaradii 3-2 ahayd ee kasoo gaartay dhigooda Chelsea.
Waa guuldaradii labaad ee xiriir ah ee soo gaartay kooxda Gunners xili ciyaareedka cusub, kadib markii ay sidoo kale kulankii daah furka xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League ay guuldaro kala kulmeen Man City.
Unai Emery ayaa kadib kulankii London derby kasoo hor muuqday saxaafada wuxuuna jamaahiirta ugu baaqay inay muujiyaan daganaan.
“Waxaan guuldareesanay laba kulan xiriir ah, waxaan u maleynayaa inaan u baahanahay inaan is dejino, isla markaana aan sii wadano shaqadeena”.
“Waan ogahay in loo baahan yahay inaan hormar ku sameyno waxyaabo badan, waxaan ku dhiiri gelin doonaa ciyaartoydeena inay la shaqeeyaan fikradaha aan dooneyno”.
“Waxaan sameenay fursado badan oo aan gool ku dhalin karnay, lagayaabee in natiijada ay noqon lahayd barbaro 2-2, laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta waxaa nagu yimid hoos u dhac, waxaana naga dhashay gool, sidaas ayay ku dhamaatay ciyaarta isla markaana ay Chelsea guul ku gaartay”.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…