Maamulka Jubaland ayaa beeniyay hadal ka soo baxay Siyaasiga Faarax Macallin ee ahaa in dowladda Kenya ay maamulka Jubaland bil kast siiso lacag dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Lacagtaas ayuu Faarax Macallin ku sheegay in lagu bixiyo mushaarka 7,000 oo Askari oo u gaar ah Maamulka Jubaland.
Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee dolad goboleedka Jubbaaland,Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdirashiid Jirre qalinle ayaa si wada jir ah u qabtay Shir jaraa`id kaas oo ay ku beeniyay hadalka ka soo yeeray guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyada ee Jubbaland Cabdirashiid Jirre qalinle ayaa shegay in hadalkaasi uu yahay mid been abuur ah, Waxaa kale oo intaas uu ku daray in Faarah Macalin Dawaara uu yahay nin kenyaan ah oo loo bahan yahay in uu ka shaqeeyo danaha dalkiisa ee uusan ku mashquulin Arimaha gudaha Soomaaliya ,Qaasatan Dowllad Goboleedka Jubbaland oo ka midda Meellaha hadda dalka ugu Amniga badan .
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay u furan tahay…
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş oo ka hadlay Shirweynaha 1aad ee Badaha Soomaaliya ayaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya shirweynaha 1aad Badaha Soomaaliya oo…
Magaalada Zawiya ee qiyaastii 45ta Kiilo-mitir dhinaca Galbeed uga beegan Caasimadda Liibiya ee Tripoli waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay tallaabooyinka Amni, Dib u dhis…
Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…