Dowladda Ukraine ayaa sheegtay in ka badan 1,400 qof oo u dhashay 36 dal oo Afrikaan ah ay ka barbar dagaalamayaan Ciidanka Ruushka ee ku sugan gudaha dalkaasi.
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ukraine, Andriy Sybiha ayaa sheegay in Ruushku uu kireysto dagaalyahanno ajnabi ah oo ku jiraan dad ka soo jeeda dalalka Afrika, isagoo ku soo jiidata dhaqaale.
Wuxuu ku baaqay in dowladaha Afrika ay digniin siiyaan muwaadiniintooda.
Sybiha ayaa sheegay in ajaaniibta lagu qoro ciidanka Ruushka badankood la diro dagaallada loo yaqaan “meat assaults” oo ay si degdeg ah ugu dhintaan.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa sheegtay inay baarayso sida 17 muwaadin dalkaasi oo ku biirey calooshood u shaqeysteyaasha dalka Ruushka, iyagoo dalbanaya in loo celiyo wadankooda.
Dhanka kale, Kenya ayaa bishii hore sheegtay in qaar ka mid ah muwaadiniinteeda lagu xiray xeryo ciidan oo ku yaalla Ruushka, kadib markii ay si ay kaga dhaga adeegeen jaceylka.
Ukraine ayaa sheegtay in tirada dhabta ah ee Afrikaan lagu qoro ciidanka Ruushka ay ka badan karto 1,436 qof, islamarkaana inta badan lagu qabtay dagaalkoodii ugu horreeyay.
Mustaqbal
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…