GUDAHA/wararka

Soomaaliya iyo WFP oo ka wada hadlay ka jawaabida xaaladda binu aadanimo

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cali Dhaay, ayaa xarunta Wasaaradda ee Muqdisho kula kulmay Mr. Elkhidir Daloum, oo ah Wakiilka iyo Agaasimaha Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda WFP, gaar ahaan dhinacyada ka jawaabista xaaladaha bini’aadantinimo, dhisidda adkaysiga bulshada, iyo taageeridda barnaamijyada horumarineed ee waara ee dalka.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa uga mahadceliyey WFP taageerada joogtada ah ee ay siiso bulshada Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, barakaca, iyo cunno yari, isagoo xusay in iskaashiga dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka waara ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Mr. Elkhidir Daloum ayaa mar kale xaqiijiyey sida WFP uga go’an tahay taageeridda mudnaanta qaranka Soomaaliya, isagoo tilmaamay in barnaamijyada hay’addu ay diiradda saarayaan caawinta cuntada, quudinta carruurta dugsiyada, barnaamijyada nafaqada, iyo soo celinta ilaha nololeed ee bulshada.

WFP ayaa kamid ah Hay’addaha caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinaca gargaarka binu aadanimada iyo gurmadka abaaraha.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

3 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

15 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

17 hours ago