Dowladda Ingiriiska ayaa beddeshay Danjiraheedii Soomaaliya David Concar,waxaana ay soo magacowday mid cusub.
Danjiraha cusub ayaa lagu magacaabaa Mr Ben Fender OBE, kaas oo xilka qabanaya Bisha Februay ee Jimcaha billowga ah.
Danjirahii hore ee UK u fadhiyay Muqdisho Mr David Concar, ayaa isaguna loo magacaabi doonaa xil diblomaasiyadeed oo waddan kale ah kaas oo aan ilaa hadda lagu dhawaaqin.
Sooyaalk Danjiraha cusub.
Magaciisa oo dhameystiran waa Benjamin James Fender,2016 ilaa 2019 waxaa uu ahaa madaxa amniga ee xafiiska siyaasadda arimaha dibadda, 2015 ilaa 2016 waxaa uu ahaa ku xigeenka howlgalka UK ee Tehran, 2015kii waxaa uu ahaa ku xigeenka howlgalka UK ee Iraan.
2014 ilaa 2015,waxaa uu ahaa ku xigeenka madaxa ka jawaabidda cudurka Eboala ee Freetown, 2014 ilaa 2015,waxaa uu ahaa Qunsulka dhinaca siyaasadda ee Kabul.2008 ilaa 2011kii waxaa uu ahaa xoghayaha siyaasadda iyo Milatariga ee Paris,2 007 ilaa 2008 waxaa uu ahaa qofka ku xigiy safiirka Uk ee France, 2003 ilaa 2007 madaxa Xafiiska siyaasadda dibadda ee Iraan, 1999 ilaa 2003 waxaa uu ahaa xoghaya siyaasadda ee Safaaradda UK ee Benjing ,sanadkii 1997 ilaa 1999 Tababaraa dhinaca Luuqadda Ingiriiska ee Safaaradda China,1996 ilaa 1997 ,waxaa uu ahaa sarkaalka xafiiska UK ee arimaha Palestine, Carabta iyo Israel.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…