Wasiirka amniga Dalka UK, Ben Wallace, ayaa sheegay in Al-Qaacidda iyo faracyadeeda Caalamka ay kku howllanyihiin sameynta walxaha qarxa oo casri ah loona adeegsanayo Tignolojiyadda.
Wallace,waxaa uu sheegay in waxyaabaha ay hadda ku howllanyihiin ay ka mid tahay UAV, oo qaraxyada loo adeegsado laguna fulin karo iyada oo la adeegsanayo Tignolojiyadda.
Sirdoonka Dalka UK ayuu sheegay in ay heleen xogta arrintan oo ah weerar la mid ah kii 2001dii lagu qaaday Mareykanka oo laga fuliyo Yurub iyada oo la beegsanayo diyaaradaha Dadweynaha iyo kuwa Dowladahaba.
Faracyada Al-Qaacidda ee Yemen, Soomaaliya iyo Ciraaq ayuu sheegay in ay dhul xoog leh qabsanayaan islamarkaana fursad u tahay Al-Qaacidda.
Waxaa uu ka digay in arrintaas laga hortigi waayo si wadajir ah, waxaa uu intaas raaciyay in walxaha ay Al-Qaacidda ku howllantahay ay ka midka yihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaan.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…