GUDAHA/wararka

Türkiye oo si rasmi ah u ansixisay heshiiska deeqda dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay go’aanka rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska deeqda taageerada dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara, kaas oo ku kacaya in ka badan $6 milyan. Soomaaliya ayaa si toos ah u yeelan doonta lahaanshaha dhulka laga dhisayo safaaradda.

Go’aanka oo lagu daabacay Faafinta Rasmiga ah ee Dowladda Türkiye (Resmî Gazete) 21-kii Nofeembar 2026, ayaa lagu ansixiyay heshiiska taageerada deeqda agabka ah ee u dhexeeya Dowladda Türkiye iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo markii hore lagu saxiixay magaalada Ankara 6-dii Luulyo 2022.

Heshiiska ayaa sannadkan 2026 waxaa ansixiyay Baarlamaanka Türkiye, iyadoo go’aanka Madaxweynaha Erdoğan uu yahay tallaabada rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska, iyadoo la raacayo qodobbada sharciga iyo wareegtada madaxweynaha ee lagu xusay dukumentiga.

Dhismaha safaaradda ayaa qayb ka ah iskaashiga labada dal, waxaana marka la dhammaystiro ay Soomaaliya yeelan doontaa dhisme safaaradeed iyo dhul ay si toos ah u leedahay oo ku yaalla caasimadda Ankara.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

MW Xasan Sheekh oo la kulamay Taliyaha Guud ee Ciidanka Turkiga iyo Saraakiil kale

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga…

45 mins ago

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya oo beenisay warqad lagu sheegay in DFS ay mamnuucday u safarka Imaaraatka

Hay'adda Socdaalka & Jinsiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu sheegay in Dowladdu ay…

7 hours ago

Kenya oo Mareykanka kala kaashanaysa la dagaalanka dambiyada Maaliyadeed

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Mareykanka gaar ahaan Booliiska baarista Federaalka ee FBI ay…

7 hours ago

Booliiska Nigeria oo sheegay in ay badbaadiyeen Dad la socday Doon rogmatay

War kasoo baxay Booliiska Nigeria ayaa lagu sheegay in ay soo badbaadiyeen 24 qof oo…

8 hours ago

Caddeymo muujinaya in uu Imaaraatka Saldhigyo qarsoodi ah ka samaystay Soomaaliya oo la helay

Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay…

9 hours ago

Trump oo magdhow lacageed ka doonaya Wargeyska The New York Times

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in…

1 day ago