Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Mareykanka gaar ahaan Booliiska baarista Federaalka ee FBI ay kala kaashanayso baarista dambiyada dhinaca Maaliyadda si looga hortago halis weliba oo dhinacaas kasoo gaari karta sida hadalka loo dhigay.
Agaasimaha Hay’adda Dambi Baarista Booliiska Kenya ee DCI, Mohammed Amin oo la kulmay wafdi ka socda FBI ayaa sheegay in ay ka guddoomeen qalab lagu tijaabinayo Barnaamijkaan si loo hirgeliyo heshiiskaan labada dal wadagaleen.
Kenya ayaa sheegtay in ay xoogga saarayso la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyada oo howlgalkaas ay qayb ka noqonayaan dhinacyada maaliyadda iyo wadaagista xogaha kooxahaas oo halbowle u ah fulinta falalkooda.
Xukuumadda Kenya ayaa horay u qabatay Shabakado kala duwan oo ku eedeysan kala gudbinta lacago si sharci darro ah loo waday, waxa ay taasi ku dhalisay in ay xoogga saarto howlgallada danabaysan ee lacagaha la isu kala gudbiyo.
Booliiska Kenya ayaa horay u xiray Dad qaarkood Soomaali ah kuwaas oo lagu eedeeyay in sharci darro ah u adeegsadeen lacago qaarkood gacanta Dowladda galay, qalabka ay Nairobi ka heshay FBI ayaa maridoonna tijaabo oo haddii lagu guullaysto la ballaarin doonno iskaashiga labada dhinac.
Mustaqbal
War kasoo baxay Booliiska Nigeria ayaa lagu sheegay in ay soo badbaadiyeen 24 qof oo…
Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo…
Soomaaliya iyo 15 Dal oo kale ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay go'aanka Dowladaha Ingiriiska…
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya ka gudubtay waqtigii…