Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in looga xukmiyo Wargeyska ay is hayaan ee The New York Times iyo Shirkadda Buugaagga daabacda ee Penguin Random House oo uu ku eedeeyay in ay ku sameeyeen Sumcad dil Shaqsi iyo mid Ganacsigiisa ah.
Donald Trump ayaa dacwad ka dhan ah Wargeyska iyo Shirkadda u gudbiyay Maxkamad Federaal oo fadhigeedu tahay Gobolka Florida waxaana ugu dambeyn uu garsooruhu aqbalay in galka dacwaddaan uu sii furnaado sida uu sheegay iyada oo fursad weyn u noqon doonto Madaxweynaha Maraykanka.
Trump ayaa dagaal siyaasadeed ku haya Warbaahinta kasoo horjeedda sida The New York Times isaga oo gaaray heer uu ka mamnuuco Aqalka Cad, shirarka uu bannaanka ugu qaadayo Suxufiyiinta Madaxabannaan iyo tallaabooyin kale oo ka dhan ah Warbaahintaas.
Dhanka kale, Wargeyska The New York Times ayaa iska difaacay eedeymaha loo jeediyay ee dhinaca Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump isaga oo dhankiisa ku dacwooday in laga hor istaagay xuquuqda kasoo waranka Aqalka Cad si Dadka ku xiran ay u helaan macluumaadka Aqalkaas iyo Madaxweyne Trump si lamid ah Warbaahinta kale.
Mustaqbal
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo…
Soomaaliya iyo 15 Dal oo kale ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay go'aanka Dowladaha Ingiriiska…
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya ka gudubtay waqtigii…
Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa intii u dhexeysay…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma, u qabatay muddo 72…
Dalka Sacuudiga ayaa Imaaraadka Carabta kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka cayriin u dhoofiya…