GUDAHA/wararka

Soomaaliya & 15 Dal oo kale oo soo dhaweeyay in cunaqabayn dhaqaale La saaro Yuhuudda dhul boobka ka wada Falastiin

Soomaaliya iyo 15 Dal oo kale ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay go’aanka Dowladaha Ingiriiska & Australia ay ku cunaqabaynayaan Yuhuudda ka dambaysay dhul boobka lagu hayo Dadka Falastiin kuwaas oo dhulkooda inta laga dumiyo la siinayo Yuhuud kale.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadaan cunaqabaynta ah ku sifaysay mid looga hortagayo Dhul boobka Yuhuudda ay ka wado deegaanno dhowr ah.

Dalalka bayaankaan soo dhaweynta ah soo saaray waxa ay kala yihiin: Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Sacuudiga, Cumaan, Qatar, Kuwait, Urdun, Masar, Aljeeriya, Falastiin, Liibiya, Turkiga, Pakistan, Indonesia, Niger iyo Maldives waxaana ay Ingiriiska & Australia ku dhiirrageliyeen in la dadejiyo cunaqabatayntaas.

Muuqaallo lasoo geliyay todobaadyo kahor waxaa ka muuqday Gawaarida Cagafta loo yaqaan oo jaraya Geed Saytuun iyo kuwo kale oo duminaya Dhismo qadiimi ah oo Dad Falastiiniyiin ah leeyihiin kuwaas oo awood ciidan loo adeegsanayo.

Dalal badan ayaa arrintaas cambaareeyay waxaana ay qaarkood ku goodiyeen in ay qaadayaan tallaabooyin ka dhan ah Ganacsatada iyo shirkadaha Israa’iil ee ku lugta leh arrintaas si ay u joojiyaan Xadgudubkaas awood sheegashada ah.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

DFS oo taageero dheeraad ah ku heleysa qorshaha adkaynta Amniga Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo…

3 hours ago

RW Xamsa “Dowlad baynu nahay, dalalka si gooni ah baynu ula xiriirnaa, waynu qaangaarnay

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya ka gudubtay waqtigii…

4 hours ago

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ka fuliyay saddex goobood

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa intii u dhexeysay…

16 hours ago

Soomaaliya oo 72 saacadood u qabatay safiirka Imaaraadka inuu dalka uga baxo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma, u qabatay muddo 72…

23 hours ago

Sacuudiga oo Imaaraadka kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka u dhoofiya Hindiya

Dalka Sacuudiga ayaa Imaaraadka Carabta kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka cayriin u dhoofiya…

1 day ago

Jeneraal Cabdalle Cabdalle oo shaaciyay inuu is casilay

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska…

1 day ago