GUDAHA/wararka

Jeneraal Cabdalle Cabdalle oo shaaciyay inuu is casilay

Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo ahaa Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isaga oo sababta iscasilaaddiisa ku sheegay caddaalad-darro.

Wuxuu warkan ku baahiyay boggiisa Facebook, mana uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.

Jeneraal Cabdalla ayaa sannadkii 2022 dib loogu soo celiyay darajooyinkiisii ciidan, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sannadkii 2018-kii, xilligii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Cabdalla oo markaas ahaa Taliye ku-xigeenka Hay’adda NISA ayaa xilka iyo darajooyinkaba laga qaaday, markaasi oo qarax ka dhacay meel u dhow Madaxtooyadda dalka.

Mustaqbal

 

MM Staff

Recent Posts

DFS oo taageero dheeraad ah ku heleysa qorshaha adkaynta Amniga Dalka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo…

3 hours ago

Soomaaliya & 15 Dal oo kale oo soo dhaweeyay in cunaqabayn dhaqaale La saaro Yuhuudda dhul boobka ka wada Falastiin

Soomaaliya iyo 15 Dal oo kale ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay go'aanka Dowladaha Ingiriiska…

3 hours ago

RW Xamsa “Dowlad baynu nahay, dalalka si gooni ah baynu ula xiriirnaa, waynu qaangaarnay

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya ka gudubtay waqtigii…

4 hours ago

Dowladda Soomaaliya iyo AFRICOM oo duqeymo cirka ah ka fuliyay saddex goobood

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa intii u dhexeysay…

16 hours ago

Soomaaliya oo 72 saacadood u qabatay safiirka Imaaraadka inuu dalka uga baxo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Axmed Juma, u qabatay muddo 72…

23 hours ago

Sacuudiga oo Imaaraadka kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka u dhoofiya Hindiya

Dalka Sacuudiga ayaa Imaaraadka Carabta kala wareegay kaalinta labaad ee dalalka shidaalka cayriin u dhoofiya…

1 day ago