War kasoo baxay Booliiska Nigeria ayaa lagu sheegay in ay soo badbaadiyeen 24 qof oo la socday doon ku rogmatay gobolka Bayelsa ee koofurta dalkaas dhaca halka sidoo kale ay ku dhinteen 4 ruux oo dadkaas la socday.
Sarkaal katirsan Booliiska Nigeria ayaa Warbaahinta u sheegay in uu socdo howlgal xooggan oo lagu raadinayo dad la shaaciyay in biyaha lagu waayay inkasta oo aan la xusin tiro rasmi ah si loola socda xogtooda.
Dadka dhibaatada soo gaartay ayaa la sheegay in ay u socdeen tacsida qof dhintay balse arrintaan ay qabsatay kaddib markii si lama filaan ah oo doontu ugu rogmatay biyihii ay ku dul safrayeen.
Nigeria waxa ay kamid tahay Dalalka Afrika ee Dadkooda isaga kala gudbaan Webiyada kuwaas oo khasaara naf iyo mid maaliyadeed kala kulma safarkaas halista badan, waxaana sababts keenta shilalkaan lagu sheegay inay dadku doomuhu u raacaan si xad dhaaf ah sidaasina uu ku lumo miisaankii loogu talagalay doonta.
Mustaqbal
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Mareykanka gaar ahaan Booliiska baarista Federaalka ee FBI ay…
Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guul muhiim ah ka heshay Shir looga hadlay Amniga Dalka oo…
Soomaaliya iyo 15 Dal oo kale ayaa si wadajir ah usoo dhaweeyay go'aanka Dowladaha Ingiriiska…
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay inay Soomaaliya ka gudubtay waqtigii…