Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu sheegay in Dowladdu ay mamnuucday u safarka Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriirkoodu go’ay.
Hay’addu waxa ay ka digtay faafinta wararka aan salka iyo xaqiiqada lahayn ee laga dhigayo kuwa lasoo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay Hay’addaas.
“Warqaddaan waa been-abuur, kamana soo bixin Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (HSJ). Hay’addu waxay bulshada iyo warbaahinta ugu baaqaysaa in aysan faafin dukumentiyo aan rasmi ahayn, isla markaana xogta raamiga ah ee la xiriirta socdaalka dalka ka xaqiijiyaan oo keliya ilaha rasmiga ah ee Hay’adda” sidaasi waxaa lagu yiri warka kasoo baxay HSJ.
Mustaqbal
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga…
Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay go’aanka rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska deeqda…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Mareykanka gaar ahaan Booliiska baarista Federaalka ee FBI ay…
War kasoo baxay Booliiska Nigeria ayaa lagu sheegay in ay soo badbaadiyeen 24 qof oo…
Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in…