Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Villa Somalia ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Jamhuuriyadda Türkiye, Jeneraal Selçuk Bayraktaroğlu, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
Türkiye ayaa ka mid ah saaxiibbada istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya, iyadoo labada dal uu ka dhexeeyo iskaashi dhinacyada difaaca, amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.
Ankara ayaa Soomaaliya ka taageerta tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo Muqdisho ku leedahay xarunta tababarka milatariga ee TURKSOM.
Mustaqbal
Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay go’aanka rasmiga ah ee lagu ansixinayo heshiiska deeqda…
Hay'adda Socdaalka & Jinsiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warqad lagu sheegay in Dowladdu ay…
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Mareykanka gaar ahaan Booliiska baarista Federaalka ee FBI ay…
War kasoo baxay Booliiska Nigeria ayaa lagu sheegay in ay soo badbaadiyeen 24 qof oo…
Waxaa bannaanka usoo baxay caddeymo muujinaya saldhigyo uu Imaaraatka Carabta si qarsoodi ah uga samaystay…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa $15 Bilyan oo Doollar oo magdhow ah ka doonaya in…