Madaxweyneyaasha Maraykanka Donald Trump iyo Shiinaha Xi Jinping ayaa heshiis ka gaari waayay arrinta lagu hagayo siyaasadda aaladda TikTok ee dalkaas kaddib wadahadal telefoon oo dhexmaray labadaan mas’uul.
Donald Trump ayaa dhowaan fasaxay xayiraaddii lagu soo rogay TikTok oo u xayirnayd in xogaha muwaadiniinta isticmaasha aaladdaan ay u gudbiso Dowladda Shiinaha taasina ay kahor imaanayso xuquuqda qofka.
Warbaahinta sida dhow uga xog-warrantay wadahadalkaan ayaa sheegtay in Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Shiinaha ay iska meelmeeriyeen arrintaan maadaama aysan xoogga saarin ka hadalka qorshaha cusub ama siyaasadda haddii wax laga baddeli karo.
Sababta keentay ka meermeerka ayaa lagu sheegay in danaha kale ee labada Dal ay uga xoog badnaatay in ay kawada xaajoodaan Madaxweyneyaasha Shiinaha iyo Maraykanka oo waddamadooda uu ka dhaxeeyo xifaaltan dhinaca Ganacsiga, Ciidanka iyo Siyaasadda.
Dadka Maraykanka oo kala bar la sheegay in ay isticmaalaan aaladda TikTok ayaa ka welwelsan go’aan weliba oo Madaxweyne Trump ku mamnuuci karo, waxa ay rajo ka muujiyeen in lagu joojo heshiiskii hordhaca ahaa ee mas’uuliyiinta Washington iyo Beijing ku gaareen Magaalada Madrid todobaadkii hore.
Mustaqbal
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…