GUDAHA/wararka

Hormuud Salaam Foundation oo fududeysay Baaris Wadnaha ah oo loo sameeyay in ka badan 230 Bukaan

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa fududeysay barnaamij baaritaan loogu sameeyay in ka badan 230 ruux oo ka xannuunsanaya Wadnaha oo isugu jiray Carruur iyo dad kale oo da’ ah, waxa ay la kaashatay Mogadishu Heart Center iyo Isbitaalka Daarusalaam.

Bukaannadaan ayaa maray baaris lagu ogaanayo heerka xannuunkoodu gaarsiisan yahay si dadka gudaha dalka wax loogu qaban karo loogu daweeyo halka kuwa kale ee u baahan daryeel caafimaad oo dibadda ah loo diri doonno.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Salaam Foundation, Mogadishu Heart Center & Isbitaalka Daarusalaam ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay ololaha dadka lagu badbaadinayo si ay u helaan daryeelka ay u baahan yihiin maadaama xannuunkaan uu kamid ah kuwa halista ah.

Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam Mire Salaad Dhuxuloow ayaa u mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation, Mogadishu Heart Center & Daarusalaam Hospital, waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay saddexda Hay’ad u sheegeen in bukaannada u baahda dibadda loo qaadi doonno Dalalka Kenya, Sacuudiga iyo Talyaaniga.

“Waa arrin wanaagsan oo aan uga mahadcelineyso Hormuud Salaam Foundation, Isbitaalka Daarusalaam & Mogadishu Heart Center waxa aan uga mahadcelinayaa ololaha caafimaad ee quruxda badan, waxa ay inoo sheegeen in dadka gudaha wax looga qaban karo wax loogu qabanayo halka kuwa dibadda u baahdana la gaynayo Kenya, Talyaaniga & Sacuudi Carabiya” Ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam, Mire Salaad Dhuxulow.

Qaar kamid ah Bukaannada & ehelkooda ayaa u mahadceliyay Hay’adahaan iska gacansiinaya sidii ay u heli lahaayeen daryeelka Caafimaad ay u baahan yihiin, waxa ay ku bogaadiyeen in ay sii wadaan adeegga ay u baahan yihiin Bulshada Soomaaliyeed.

“Isbitaalka Daarusalaam, Hormuud Salaam Foundation allaha barakeeyo, adeegga ay inoo sameeyeen meel kasta lagama heli karo, waxyaabo badan oo Caafimaadkeenna ku saabsan ayay naga qaadeen, waana ugu mahadcelineynaa” Sidaasi waxaa yiri qaar kamid ah Bukaannada fursadda u helay adeeggaan ay bixisay Hormuud Salaam Foundation.

Hormuud Salaam Foundation oo kaashanaysa Hay’ado, Isbitaallo & Dhaqaatiir Caafimaad oo aqoon u leh xannuunada wadnaha ayaa daryeel Caafimaad u fidisay Dad u badan Carruur kuwaas oo qaarkood lagu soo daweeyay Dalka dibaddiisa dibna ugu soo laabteen dalkooda.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

11 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

15 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

16 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

16 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

17 hours ago