Dalka Talyaaniga waxaa la sheegayaa in Muhaajiriin ay Soomaali ka midyihiin Cuntada ka soomeen kaddib markii dowladda Talyaaniga ay diidday in ay qaabisho.
Markab ka mid ah kuwa Muhaajiriinta ka badbaadiya Xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Talyaaniga ayaa Dadkaasi geeyay Magaalo Xeebeedka Talyaaniga ee Catania.
Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini, oo ah Nin neceb soo galootiga ayaa sheegay in dadka cunta ka soomay ay iyaga u taallo wixii ay doonaanka sameyn karaan.
Muhaajiriinta oo isugu jira Soomaaliya,Liibiyaan,Syrian iyo Eritrean ayaa waxaa ay tiradoodu gaareysaa 150 Qof,waxaana 16kii Bishan laga soo badbaadiyay badda u dhaxeysa Liibiya iyo Taltaaniga.
Muhaajiriinta ayaa ku doodaya in sanado si xun loola dhaqmayay gudaha Liibiya kaddib aysan hadda oggolaan karin in dib loogu celiyo Liibiya,sidaas darteedna waxaa ay Midowga Yurub ka codsadeen in ay arrintooda farageliyaan.
Kulan shalay oo Jimco ahayd ka dhacay Brussels oo ay ku kulmeen 12 dal oo Midowga Yurub ah Talyaanigana ka mid ahaa ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday waxaana dowladda Talyaaniga diidday qaabilaadda dadkaas.
Sky TG24 TV,ayaa sheegay in Ragga ay diideen in ay Raashinka Xunaan halka Haweenka ay raashinka qaarkood cuneen.
Dadkan waxaa ka mid ah Haween dad’oodu u dhaxeyso 15 ilaa 20 jir,kuwaas oo qaarkood cunta ka soomidda qeyb ka ah.
Labo ka mid ah Xildhibaannada Mucaaridka ee Dalka Talyaaniga ayaa Xisbiga shanta xiddig ee talada haya ku dhaliilay sida uu ugu xadgudbayo bani’adamnimada.
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…