Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo ka hadlay shidaalka dhulka Somalida

Ra’isalwasaaraha Dalka Abiye Axmed oo shalay kulan la qaatay Dadka Soomaalida ah ee Ismaamulka Soomaalida ayaa mar kale waxaa uu ka hadlay hadalka muranka badan dhaliyay ee la xiriira saamiga Soomaalida ku yeelanayaan shidaalka laga helay dhulkooda.

Ra’isalwasaaraha oo Khudbadda uu u jeediyay Soomaalidii uu kulanka la qaatay ay socotay 15 Daqiiqo ayaa 10 Daqiiqo oo ka mid ah waxaa uu kaga hadlay shidaalka iyo muranka ka taagan.

Ra’isalwasaare Abiye ayaa sheegay in si qalad ah loo fasiray hadalkiisii hore ee ahaa in 5% shidaalkaas ay Soomaalida leeyihiin.

Waxaa uu sheegay in uusan sidaas ula jeedin ee uu ka waday in 5% ay leeyihiin dadka deggan degaanka Ceelasha laga helay iyo xoola dhaqatada kaliya ee aysan Soomaalida oo dhan  ahayn.

Abiye Axmed ayaa xusay in Dahabka laga helo dhulka Oromia ay wada manaafacaadsadaan dadka Itoobiya oo dhan shidaalka dhulka Soomaalidana sidaas oo kale laga doonayo.

Kulanka Ra’isalwasaaraha iyo Dadka Soomaalida ah waxaa ku wehliyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Soomaalida Musatafe Maxamed Cumar iyo Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee Ismaamulka Soomaalida ahna Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka ah Axmed Shidde.

Mustaqbal media

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

14 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

17 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

19 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

20 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

20 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

21 hours ago