Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga oo booqday Somaliland

Taliye ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Sucuudiga Jeneraal Ahmad Hassan Mohammad Asiri,ayaa booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Mr Axmed Xasan Moxamed, ayaa la sheegayaa in 21kii Bishan September uu booqasho ku tagay Magaalada Hargeysa lana kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka Muuse iyo Axmed lama shaacin,waxa looga hadlay sidoo kale imaanshahiisa lama sii sheegin.

Maalinta ku qoran imaanshahiisa Hargeysa,duullimaadyada Garoonka Diyaaradaha ee Cigaal kuma jirto Diyaarad ka timid Sucuudiga oo tagtay Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo xubno ka mid ah boqortooyada kula kulmay Sucuudiga,xilligii Xajka.

Wararka qaar waxaa ay sheegayaan in Taliye ku xigeenka Sirdoonka Sucuudiga uu dhinaca Jabuuti ka galay Somaliland isaga oo la socday Diyaarad Ganacsi oo ka timid Jabuuti.

Sarkaal sare oo ka tirsan Maamulka Madaxweyne Muuse Biixi oo qariyay magaciisa ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha taliye ku xigeenka sirdoonka Sucuudiga ee Somaliland.

Booqashada Jeneraal Axmed ee Somaliland ayaa la sheegayaa in ay la xiriirto Saldhigga Milatari ee Imaaraadka ka dhisanayo Berbera ,kaas oo xulufo dhow la ah dalka Sucuudiga.

Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu dhawaan booqdo Magaalada Jidda ee Dalka Sucuudiga waxaana uu la kulmi doonaa dhaxal sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan,sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Somaliland.

Sucuudiga waxaa uu daneeye weyn ka yahay Bariga Afrika gaar ahaan Somaliland halkaas oo Imaaraadka iyo Sucuudiga ay doonayaan in ay maalgalin dhan $1.789Tiriliyan oo doollarka Mareykanka ah taas oo ay labada dal ku doonayaan in ay ku maalgeliyaan waddamada Bariga Afrika,kuna muujiyaan saameyntooda iyo tartanka ay kula jiraan Turkiga,Qadar iyo China,iyaga oo ka gows heysta Mareykanka.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

12 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

15 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

17 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

18 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

19 hours ago

Trump oo shaaciyay Dalal uu sheegay in ay ka codsadeen joojinta dagaalka ka dhanka ah Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…

19 hours ago