Xukuumadda cusub ee Ismaamulka Soomaalida ayaa marka ay xilka qabatay isbedel ku sameysay waxyaabo badan oo xukuumadii ka horeysay la timid, loona arkayay inay aad ugu muujineysay Itoobiyaanimada dadka Soomaalida ee gobolkaaasi degan.
Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Mustafa Maxamed Cumar Cagjar ayaa bartiisa facebooka ku qoray in xukuumadiisa ay u qorsheysan tahay inay soo celiso dhul ay sheegtay in si sharci daro ah loo qaatay.
Wuxuu sheegay Mustafa Cagjar in ilaa hadda dhul iyo hanti badan oo ay boobeen dad aan Soomaali aheyn oo u badan saraakiil ciidan ay xogtooda oo dhameystiran gacanta ku hayaan, si dhaqsi ahna ay talaabo uga qaadi doonaan islamarkaana ula wareegi doonaan hantidaasi shacabka laga boobay.
Dadka ayaa waxa ay sheegeen dhulalka ay qaateen saraakiisha ciidanka inay ahaayeen kuwa iyaga lagu naas nuujinayay, maadaama iyaga ay udub dhexaad u ahaayeen dowladdii hore.
Shacabka dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan talaabada uu qaaday madaxweyne Mustafa Cagjar, waxayna tilmaameen inay dib u soo laabaneyso cadaaladda oo ay sheegeen inay horey u luntay.——
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…