Taliye Indha qarshe oo ka hadlay Dagaalka Al-Shabaab iyo waxa ay ka yeelayaan Dadka ay ka qabtaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha qarshe oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahiyay qorshe Dagaal ee Dowladda u dajisay Al-Shabaab halka uu marayo.

Waxa uu tilmaamay in ay dhowr jeer Fursado ay siiyeen Al-Shabaab si ay ugu faaiideystaan, balse hadda wixii ka dambeeya ay ku dhaqaaqi doonaan Dagaal ka dhan ah.

Ciidamada Xoogga Dalka ayuu sheegay in ay ku dhisan yihiin, kuna dhaqmaan, isla markaana aan marbana ku dhaqmin sharci darro sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlay waxa ay ka yeelayaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee ay soo qabtaan waxa uu sheegay in ay u bandhigayaan Sharciga, ciqaabta ay ka muteystaanna la marinayo.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in ay gacanta ku hayaan Nin uu sheegay in uu Miino u dhigay Ciidamo katirsanaa Dowladda oo marayay Degmada Balcad oo ka geeriyootay 11-askari.

Sharciga ayuu tilmaamay in uusan u ogoleen in ay dilaan ninkaas oo kale, balse ay soo wadeen, kuna wareejiyeen Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida si ay u maxkamadeyso.

Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee isa soo dhiibo waxa uu sheegay General indha qarshe in si wanaagsan Dowladda ula dhaqmo doonto, halka kuwa lasoo qabtane la dhigayo xabsiga illaa inta caddaalada laga horgeynayo halkaa ay kusii jirayaan.

Ugu Dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi waxa uu xusay in ujeedka Ciidamada Xoogga uu yahay in ay si adag ula dagalamaan Al-Shabaab, iyaga oo aan ka gudbin Xeen daabka Sharciga u yaalla.

9-kii December 2018-kii General Indha Qarshe ayaa Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ka sheegay in ay wax ka badalayaan habka ay ula dhaqmaan Xubnaha laga soo qabto Al-Shabaab, isaga oo xusay in ay dhadhan-siinayaan dhibaatada ay geystaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

10 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

14 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

14 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

15 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

15 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

16 hours ago