Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Janaraal Khaalid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug si uu u dardargeliyo howlgallada ka dhan ah AS.
Janaraal Khaalid ayaa la kulmay saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Deegaannada Maamulka Galmudug si AS looga saaro Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan una diyaargaroobaan fulinta howlgalladaas.
Dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay ka shiraan fulinta howlgallada ka dhanka ah kuwaas oo laga fulinayo Gobollada Galgaduud & Mudug oo qaybo kamid ah ay joogaam xubno katirsan AS.
Galmudug waxa ay xuddun u noqotay Tababarka iyo diyaarinta Ciidamada Xoogga Dalka kuwaas oo tababar ku qaatay xeryo ku yaalla Gobolka Galgaduud halka qaar kale ay tababar u xaraysan yihiin si marka ay usoo gabagabeeyaan loogu biiriyo talisyada loo qorsheeyay.
La soco wixii kasoo kordha
Mustaqbal
Ka dib xilka qaadistii MW Xasan Sheekh ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf ayaa ka…
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa Sacuudi Carabiya ka dalbatay lacag dhan 51 bilyan oo dollar, iyagoo…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Xoogga Dalka gaar ahaan guutada…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda…
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in Wasiir Axmed Macalin Fiqi…
Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…