GUDAHA/wararka

Shiinaha oo Maraykanka ka dalbaday in uu ka raalligeliyo eedihii uu u jeediyay ee la xiriira Covid-19

Maxkamad ku taalla Magaalada Wuhan oo ah bartii uu kasoo billowday Cudurka Aafada ku noqday Dunida ee Covid-19 ayaa Gobolka Missouri ee Maraykanka ka dalbatay in ay raalligelin ka bixiyo eedihii ka dhanka ah magaaladaas ee la xiriiray cudurka Coronavirus.

Maamulka Wuhan ayaa sheegay in dhiggooda Mossuri uu sumcad dil iyo marin habaabin ku sameeyay, waxaana uu ka dalbaday in raalligelin toos ah ka siiyo eedahaas loo jeediyay si meesha looga saaro been abuurka laga faafiyay sida hadalka loo dhigo.

Sidoo kale Magaalada Wuhan waxa ay Mossuri hordhigtay in uu magdhow lacageed ka siiyo maadaama eedihii uga yimid ay hoos u dhigeen dhaqaalaha iyo fursadaha kale ee dhankooda ka heli jireen dunida inteeda kale.

Ma jiro war kasoo baxay maamulka Mossuri ee Dalka Maraykanka oo laga sugayo jawaab la xiriirta soo jeedinta uga timid Maxkamadda Wuhan ee Shiinaha iyo lacagaha magdhow ah ee laga doonayo.

Mustaqbal

MM Editor

Recent Posts

Netanyahu oo si rasmi ah u lumiyey aqlabiyaddii uu ku lahaa doorashada Israa’iil.

Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka Israa’iil ayaa si rasmi ah u ansixiyey natiijada doorashadii baarlamaanka ee…

4 hours ago

Liibaan Axmed Xasan oo si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Galmudug

Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay…

5 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Cumaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Qaranka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay…

5 hours ago

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Galmudug ka billaabay howlgallo ka dhan ah AS

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Janaraal Khaalid) iyo wafdi…

8 hours ago

Madaxda DFS oo ku wajahan Dhuusamareen si ay uga qaybgalaan Caleemo-saarka Hoggaamiyaha Galmudug

Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug…

9 hours ago

Trump oo guuldarrada Xisbigiisa ku xiray Dagaalka uu ku qaaday Iiraan

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo qirtay Guuldarrada Xisbigiisa Jamhuuriga kasoo gaartay Doorashada Dhexe ee dalkiisa…

9 hours ago